Wararka

Guddoomiye Cumar ‘Filish’ oo Daah-furay Imtixaanka Fasallada 8-aad Oo Markii Ugu Horreysay Gobolka Banaadir Uu Maamulayo

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa Maanta daah-furay Imtixaanka fasalka 8-aad ee Dugsiyada dhexe.

Daah-furka Guddoomiyaha ayaa imanaya xilli ay Maanta si isku mid ah ugu billowdeen dhammaan maamul Goboleedyada Dalka iyo Gobolka Banaadir qaadista Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasallada 8-aad-ka.

Si kastaba, waa markii ugu horreysay ee gobolka Baadir uu si rasmi ah u maamulo imtixaanka shahaadiga ah, kadib markii wasaaradda waxbarashada iyo gobolka uu dhex maray is faham arrintaa ku saabsan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close