Wararka

Imtixaankii Shahaadiga ahaa ee Fasallada 8aad ee Dalka oo Bilowday

Wasaaradda Waxbarashada ee Xukuumadda Federaalka Ah  Soomaaliya ayaa Maanta qaadeysa imtixaanka fasalka 8-aad ee dugsi dhexe, iyadoo ay jirto inaan si buuxda looga adkaan Covid-19.

Imtixaamkan oo la mid ah kii fasalka 12-aad ayaa la sheegayaa in uu dhacayo xilli dalka uu ka jiro Covid 19 oo iskuullada iyo jaamacadaha ay u xiran yihiin dartii.

Weriyeyaasha Goobjoog News ayaa soo sheegaya in la xiray inta badan jidadka Muqdisho gaar ahaan goobaha ay imtixaannada ka jiraan, waxaana la adkeeyey amniga.

Wasiirka Waxbarashada  Cabdullaahi Goodax Barre ayaa lagu warramayaa inuu adkeeyey in la dhowro shuruucda cusub ee ka dhalatay Covid-19.

Soomaaliya ayaa waxaa la gaaray xilligii doorashada ay dalkan ka dhici jirtay, cabsiyada jirta ayaase ah in  Covid-19 uu keeno dib u dhigac, laakin waxaa muuqata in dowladda ay bilowday in lagu dhex shaqeeyo Covid 19.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close