Wararka

Madaxweyne Erdogan Oo Ku Dhawaaqay In “Ayaasoofiya” Loo Bedelay Masaajid


Madaxweynaha Turkiga, Rajab Tayib Erdogan ayaa, Jimcihii, ku dhawaaqay in Martaxafka Ayaasoofiya ee gudaha Istanbuul ku yaalla loo bedelo Masaajid ay Muslimiintu ku tukadaaan.

Bayaan uu madaxweynuhu ku faafiyay bartiisa Twitterka ayaa waxa uu ku yiri: “Waxaan go’aansannay in Ayaasoofiya uu hoostago maamulka arrimaha diinta, Salaad in lagu tukadana loo furo.”

Maxkamadda maamul ee ugu sarreysa dalka Turkiga ayaa waxay laashay go’aan la gaaray sandkii 1934, xukunkaas oo kusoo baxay in Ayaasoofiya loo bedelo mataxaf.

Dhismaha taariikhiga ah ayaa waxaa la dhisay waqtigii Boqortooyadii Byzantine-ga ee Qarnigii Lixaad ee Miilaadiga, dhismahani waxa uu ahaa Kaniisad, kadib waxaa Masajid laga dhigay waqtigii dowladdii Cusmaaniyiinta markii ay soo galeen Istanbuul sanadkii 1453. Sanadkii 1935 ayaa mutxaf loo bedelay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close