Wararka

Kalluun Leh Muuqaal Aadane Oo Aad Looga Hadal Hayo Baraha-Bulshada.. Macluumaadkan Ayaana Laga Ogyahay


Dhacdo yaab leh, malaayiin ayaa waxaa  ka yaabiyay Kalluun uu helay nin jillaabato ah oo Malaysia u dhashay. Ninkan ayaa waxa uu helay Kalluun leh afka aadanaha oo dadka Baraha-bulshada isticmaalaa ay aad u hadal hayaan.

Sida ay qortay jariidada “Metro” ee dalka Ingiriiska kasoo baxda, sheekadu waxay bilaabatay maalihii lasoo dhaafay, kadib markii shaqsi bartiisa Twitterka uu soo dhigay sawirka Kalluunkan Afka aadanaha leh, sawirka ayaa isla markiiba si xoog leh ugu faafay Baraha-bulshada ee daafaha kala duwan ee dunida.

Sawirka ayaa muujinaya Kalluun leh ilko, farooryo iyo cirrid aadane oo kale. Arrintaas oo ka dhigan in kalluunkani leeyahay muuqaalka weji Aadane aan laga aqoon .

Warbaahinta maxalliga ah ee dalka Malaysia ayaa sheegaya in Kalluunkani uu yahay nooc cusub oo ka mid ah kalluunka nooca loo yaqaanno “Sanaad” oo ay ka tirsan yihiin 40 nooc oo kalluun kala duwan ah.

Kaalluunka noocan ah ayaa aad ay u adag tahay in la ugaarsado, laakiin Jillaabatadu aad ayay u raadiyaan, waxaa lagu qurxiyaa barkadaha loo dalxiiso ee beeraha Kalluunka, maadama uu midabbo soojiidasho leh uu leeyahay.

Sida ay sheegayaan khubarada culuumta badda, waxaa jira 2 milyan oo nooc oo kalluun ah oo aan weli la daahrogin oo ku nool badaha 71%  ah Badka dhulka aan ku nool nahay.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close