Wararka

Wariye Arrin Lama Filaan Ah Ay Qabsatay Iyadoo Si Toos Ah War U Batineysa … Warkii Ay Wadday Ma Aaney Joojin!


Dhacdooyin badan oo qosol leh oo dhib badan ayaa weriyeyaaha qabsada inta ay ku jiraan baahinta tooska ah ee wararka. Laakiin arrinta qabsatay gabadhan wariyaha ah ee reer Ukraine ee la yiraahdo Maritishka Badalko, waxay ahayd mid lama filaan ah.

Waxay ku jirtay baahinta warka Janalka “1+1” ee dalka Ukraine, wariyaha xaalad adag ayaa soo waajahday, waxaa kasoo dhacay iligeeda foolka hore ah si lama filaan ah iyadoo warka ku jirta.

Maritishka dhacdadan waxay uga dabaalatay si xirbad sare leh, ma aaney joojin warkii ay akhrineysay, arrintaasina waa midda keentay in dad badani ay ka falceliyaan muuqaalka oo ay ammaan u soo jeediyaan wariyaha.

Maritishka, dhacdadan waxay uga jawaabtay in iliggu uu kasoo dhacay 10-sano ka hor, oo gabar ay dhashay ay si aan ku talogal ahayn ay uga soo ridday. Wariyahan waxay caddeysay in dad badan ay taageero ka heshay kadib markii ay muuqaalka daawadeen. Waxayse sheegtay iney lagama maarmaan tahay marka dhacdadan oo kale lala kulmo in la is-dejiyo.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close