Wararka

Afkiisa Ayuu Xiray Muddo 30 Maalmood Ah.. Fanaan Shiineys Ah Oo Si Yaab Badan Cabashadiisa Ugu Gudbiyay Maamulka Deegaankiisa


Fanaan u dhashay dalka Shiinaha oo la yiraahdo, Biradar-Nat oo ka gadoodsan ilaalada adag ee la dul dhigay shacabka ee Coronavirus uu sababay, ayaa waxa uu afkiisa xiray muddo 30 maalmood ah oo biinka dharka lagu qalajiyo uu afkiisa ku taxay iyo gacmo gashi, si uu u muujiyo dhibaatada shacabka haysata.

Nat, waxa uu wadaa mashruuc magaciisu yahay (shutup for 30 days), “Aamus muddo 30 maalmood ah”, waxa uu afkiisa ku xiray sharooto uu ku dul qoray 404 oo ah astaanta soo muuqanaysa marka bayj aad interntka ka raadineysa uu kaa khaldamo, isla markaana kuusoo baxaysa marka shey xasaasi ah oo aad internetka ka raadineyso la tirtiro.

Fanaankan 39 jir ah ayaa waxa uu sumacad wanaagsan ku helay mashruuciisa uu farriin ugu gudbineysa maamulka deegaankiisa iyo dowladda dhexe Shiinaha. Maadaama ilaalada dadka ay korotay inta ay jiray dowladda uu hoggaamiyo madaxweyne Xi Jinping(Shii Jiin Biing). Waa sida uu wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay.

Nat, waxa uu leeyahay: “Waxaan u baahan nahay inaan fanka wax ku muujinno. Fanku waa sida ubaxa oo kale, wuu koraa iyadoo uu dildilaac ku jiro, waxa uu noo ogolaadaa inaan ciyaarno waqtiyada aan ugu murugada badan nahay oo farxad aan ku dareenno.”

Goobjoog Edu

Related Articles

Close