Wararka

Sida Loola Mucaamilo Lamaanahaaga Marka Ay Dhibaato Jirto Iyo Xilliga Aad Heshiisaan Kadib


In lamaanuhu ay is-qabtaan waa arrin caadi ah oo nolosha ka qeyb ah, xilliyada qaar muranka idin dhex maraa waxa uu noqon karaa mid faa’iido dhala oo caqabada jiray xal looga gaaro, laakiin waxaa shardi ah inaan marnaba ixitraamak laga tagin. Sidoo kale waxaa jira waxyaabo aan loo baahneyn inaad ku dhawaaqdo marka ay dhibaato ka dhex jirto lamaanaha.

Xilli kasta ixtiraamku waa furahaaga si aad lamaanahaaga u ilaashato xaaladaha kala duwan iyo duruuf kasta oo jirta. Warbixin lagu daabacay “the list” ayaa lagu sheegay waxyaabaha aaney habbooneyn in lagu dhawaaqo marka dhibaato ka dhex jirto lamaanaha.

Sida loola mucaamilo lamaanaha marka ay dhibato jirto

Si kasta oo dagaal aan macno lahayn idiin dhex maro, waxaa muhiim ah in la baaro sababaha qarsoon ee dooda dhalisay, waxaa dhici karta in caro uruurtay ay jirto, arrintaasi waxay u baahan tahay in lamaanaha ay ka wadahadalaan si buuxda uuga doodaan.

Jonatan Binit oo ah khabiir dhanka xiriirka ku takhasusatay ayaa “Bustle” u sheegtay: “Lamaanashaa badankoodu murankood waxaa jira sababo qarsoon oo ka dambeysa oo waxa ay isku hayaan ka mug dheer.”. waxay tilmaantay in si dhab ah looga wadahadlo sababta ay arrintaasi u dhacayso, sida looga fogaan karo iney mustaqbalka soo noqnoqto si aad muddo dheer iskula jaanqaaddaan oo caqabad kasta oo kale aad si wadajir ah uga gudubtaan.”

  In la isku cudur daarto waa muhiim, in la is cafiyana waa la mid. Binit waxay leedahay waxaa lagama maarmaan ah inaan u sheegto in cudur-daarka iyo raalligelinta aad aqbashay, oo weli arrinka lamaanahaaga aad daneyn xoog leh u hayso.

Waxyaabo  aaney habbooneyn in la soo hadal qaado marka la heshiiyo kadib

In sidii hore la isku noqdo waxay u baahan tahay waqti oo xiriirka wadadiisii saxda ahayd lagu soo celiyo, haddii lamaanahaagu uu u baahan yahay waqti uu kugu saamaxo culeys ha saarin oo waqtigiisa u ogolow.

Miigan Falaming, oo ah dhakhtar dhanka cilmi-nafsiga ku takhsustay ayaa waxay tiri: “Waxaa dhici karta in lamaanahaaga uu u baahan yahay inuu naftiisa dib ugu laabto oo uu fakaro, sidaa  darteed; waxaa muhiim ah inaad go’aankiis ixtiraamto . waxay hadalkeeda ku dartay “Khaladaadka ugu weyn ee ay dadku ku dhacaan muranka kadib waa; inaanuu qofku si cad dhibkiis u sheegan, waxaad hubisaa in waxyaabaha aad dooneyso aad si cad u sheegato si dhibkaaga wax looga qabto.” .

Goobjoog Edu

Related Articles

Close