Wararka

Imtixaanka “Form 4” Oo Maanta Lasoo Afmeeray Iyadoo Ay Jirto Baqdin Laga Muujinayo In Imtixaanka La Carqaladeeyo


Waxaa maanta la soo gabagabeynayaa imtixaanka shahaadiga ah ee (form 4) ee ka socday gobollada kala duwan ee dalka.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Cabdullaahi Goodax Barre, ayaa sheegay inuu ka digayo in la carqaladeeyo imtixaanka oo uu sheegay inuu baraha-bulshada ku arkay muuqaal siyaasadeysan oo la doonayo in ardayda Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo, isagoo hoosta ka xariiqay in gacan bir ah ay ku qaban doonaan dadka arrintaa ku kacaya, waa sida lagu qoray Wakaaladda Wararka ee SONNA.

Imtixaankan oo ay qaadeysay Wasaaradda Waxbarashada ee Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa sanadkan waxaa ku cusbaa degmooyinka qaar oo markii ugu horreysay imtixaanka looga fariista, waxaa ka mid ahaa degmada Marka. Isagoo kale imtixaanku waxa uu ka dhacay ee dalka Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya marka laga reebo Puntland oo si iskeed ah imtixaanka u qaadaysa.

Ardeyda u fariisatay waxaa tiro ahaan lagu qiyaasay in ka badan 34-kun oo arday. Imtixaanka oo soo bilowday 18 bishan, ayaa lagu wadaa in si rasmi ah uu usoo gabagaboobo maanta oo Arbaco ah.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close