Wararka

Oday 103 Jir Ah Oo Ka Bogsadya Coronavirus


Oday 103 jir ah oo dalka Pakistan kasoo jeeda ayaa dhakhaatiirtu ay sheegtay inuu ka bogsaday Covid-19, isagoo sidaa ugu biiray dadka da’da ah ee fara ku tiriska ah ee cudurka ka badbaaday, iyadoo ay jirto in  nidaamka caafimaadku ee dalkaasi uu liito.

Casiis Cabdil alCaliim oo ka mid ah dadka deggan deegaanka Shiitral ee ku yaalla buuraaleyda Waqooyi, ayaa isbuucii hore waxa uu kasoo baxay xarunta xaaladaha degdegga ah lagu dabiibo. kadib markii baaritaannadii lagu sameeyay lagu ogaaday in cudurku ku dhacay, bilowgii Luuliyo.

Axmed, oo ah wiil uu dhalay odaygan, ayaa Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay in tuuladan ku taalla deegaanka xudduudda ee Pakistan, Shiinaha iyo Afghanistan ay xiriirka ka leeyihiin “Aad ayaan u welwelsaneyn marka la eego da’diisa, laakiin cidna ma aanuu dhibin.”

Axmad, waxa uu sheegay in aabihii uga warramay in xaalado badan uu soo maray, fayraskana aanuu ka baqan, laakiin aanuu ku qanacsaneyn in meel goonni ah lagu karantiilo.

Mas’uul caafimaad oo sare oo ku sugan waaxda gurmadka degdegga ah ee raacsan adeegga ,Aqaa Khaan, ee caafimaad oo la yiraahdo Sardaar Nuwaz, ayaa  Jimcihii sheegay in Cabdul alCaliim uu u baahnaa in niyad dhis loo sameeyo mudada daawadu u socotay ee uu karantiilka ku jiray.

Dalka Pakistan, ayaa cudurku waxa uu haleelay 27-kun oo qof, waxaa u dhintay 5,763 oo u geeriyooday Covid-19.

Dadku uu cudurku soo ridanayo ayaa hoos u dhacay bishii hore, mas’uuliyiin xukuumadeed ayaa ka baqaya in mar labaad uu cudurku uu soo laba kacleeyo ciidda al-Adxaha oo dadku si weyn ay isku dhex galaan.

Goobjoog Edu

Related Articles

Close